Cali Maxamed Geedi oo ku dhawaaqaya xisbi mucaarad ah

cali maxamed geedi

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in dhawaan uu Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqi doono Xisbi Cusub oo waliba mucaarad ah.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya ayaa sheegay in uu isagu hoggaamin doono xisbigan, isla-markaana uu noqon doono mid mucaarad ku ah dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Khudbad uu ka jeediyay Munaasabad soo dhoweyn ah oo maanta Muqdisho loogu sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayuu Cali Geeddi ka sheegay inuu dhisay Xisbi Mucaarad ah oo la diiwaan geliyay.

Waxaa uu sheegay in Xisbiyada siyaasadda ay sharci yihiin, isla markaana uu meel mariyay Baarlamaanka, isla markaana Madaxweynaha digreeto ku ansixiyay, waxaa uu xusay in Xisbigiisa yahay mid wax dhisaya.

Sida uu sheegay Cali Maxamed Geedi, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya waxaa xisbigan cusub Magaalada Muqdisho looga dhawaaqi doonnaa maalinta Arbacada, oo taariikhduna ay ku beegan tahay sagaalka bisha tobnaan.

Cali Maxamed Geeddi ayaa lagu tiriyaa siyaasiyiinta aad ugu dhow Dowladda Federaalka, isagoo dhowr jeer difaacay.

Sidoo kale Geeddi ayaa lagu xasuustaa weeraro afka ah oo uu ku qaaday Siyaasiyiinta kasoo horjeedo siyaasadda ay Dowladda ku maamusho dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here