Cali Maxamed Geedi oo weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ah

cali maxamed geedi

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geedi oo ka hadlay xaaladda Muqdisho ayaa si weyn u taageeray bandowga ay dowladda federaalka ku soo rogtay caasimada, si loo xakameeyo Coronavirus.

Geedi oo u jawaabay mas’uuliyiin u badnaa mucaaradka oo bandowga dhaliilay ayaa si weyn uga difaacay dowladda, isagoo sheegay in shaqo maalmeedkeeda uu ka mid yahay, wuxuuna uga digay xubnaha mucaaradka in la siyaasadeeyo dagaalka Covid-19.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Bandowga uusan u baaneyn in gole la horgeeyo, kadina la saxiixo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa maqlayay Mas’uuliyiin kala duwan oo ku celcelinaya Bandowga dowladda ku soo rogtay Muqdisho sharci maahan, Bandowga maahan inta Golle la horgeeyo la ansixiyo, kadina la saxiixo ee Bandowga waxaa uu yahay shaqo maalmeed” ayuu yiri Cali Geedi.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo hadakiisa sii wata ayaa sidoo kale shaaciyey inuu khatar weyn cudurka Covid-19 ku haya, islamarkaana loo baahan yahay in la qaato talooyinka caafimaadka, loona hoggaansamo awaamiirta ka soo baxeysa dowladda.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo tirada kiisaska cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ay kor u dhaaftay illaa 500 oo kiis, taas oo marba marka ka damebysa ka sii dareysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here