Cali Rooba: In ka badan 50% jidadka Mandera waxaa maamulo Al-Shabaab

Ali Rob

Barasaabka deegaanka Mandera ee woqooyi-bari kenya ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab uu curyaamiyay waxbarashada, amniga iyo horumarka deegaanka Mandera.

Cali Ibraahim Rooba ayaa sheegay in la curyaamiyay mustaqbalka shacabka Soomaalida ah ee ku dhaqan Mandera iyo guud ahaan gobolka woqooyi-bari Kenya.

Waxa uu tusaale u soo qaatay dhibaatada dhanka waxbarashada ee ka jirta Mandera iyo guud ahaan gobolka, kaddib markii inta badan ay gobolka isaga carareen macallimiintii ka timid gobollada kale ee dalka sababo la xiriira amni-darro ka jirta qeybo badan oo ka tirsan gobolka.

Cali Rooba ayaa hadalkan jeediyay xilli qaar ka mid goobaha waxbarashada ee degaanka Mandera ay xiran yihiin oo aan wali dib loo furin sababo ammaan awgood.

Waxa uu sheegay in kala bar waddooyinka deegaankaasi Mandera ee uu isaga madaxda ka yahay ay maamulaan Al-Shabaab, waxa uuna intaa ku daray in Shabaabku ay bartilmaameedsadaan gaadiidka dadweynaha ee ka dhex shaqeeya deegaankaasi.

“Xaqiiqada dhabta ah ayaa ah in aniga oo ah barasaabka dowlad deegaanka Mandera, oo aan ahayn qof shacab ah, isla markaana la ii igmaday in aan maamulo hawlaha dowlad deegaankan ayaa waxaan si cad u xaqiijinayaa in inkabadan 50% waddooyinka deegaankan ay gacanta ku hayaan oo ay maamulaan Al-Shabaab,” ayuu yiri Cali Rooba.

Cali Rooba waxa uu sheegay in arrintaasi ay sababtay in uu hakad ku yimaado isu socodka gaadiidka iyo shacabkuba.

Waxa uu ka codsaday madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, in uu ka shaqeeyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada amni-darro ee ka jirta deegaanka Mandera.

Waxa uuna sharaakiisha ammaanka ee deegaankaasi iyo guud ahaan kuwa gobolka uu ku eedeeyay in ay dafirayaan dhibaatada amni-darro ee ka jirta deegaankiisa.

“Waxaan ka codsanayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Kenya in uu xaqiijiyo in saraakiisha ammaanka ay ka shaqeeyaan sidii loo xallin lahaa dhibaatada ka jirta Mandera. Sababtoo ah, waxaan nahay waddan madax-bannaan oo marnaba madax-bannaanideena aan ugu tanaasuleynin in argagixiso ay na maamusho, xilli saraakiishii loo igmaday amniga, heer deegaan iyo heer gobolba ay dafirayaan in xitaa ay dhibaato jirto,” ayuu yiri Cali Rooba.

Waa markii labaad maalmo gudahood oo Cali Rooba uu ka hadlo dhibaatada Al-Shabaab ay ku hayso deegaankiisa, waxaana jirtay in dhawaan uu sheegay in Al-Shabaab ay la wareegeen guud ahaan gobolka woqooyi-bari iyo gaar ahaan deegaanka Mandera.

Waxa uu tusaale u soo qaatay guddoomiye tuulo oo dhawaan Al-Shabaab ay ku gowraceen deegaanka Wajeer ee deriska la ah Mandera iyo sidoo kale weerarrada joogtada ah ee Al-Shabaab ay ku qaadaan laamaha ammaanka ee ka hawlgala guud ahaan gobolka.

Haseyeeshee saraakiisha ammaanka gobolka iyo kuwa deegaanka Mandera ayaa sheegay in arrintu aysan ahayn sida uu u dhigayo barasaabka Mandera.

Onesmus Kyatha oo ah ninka dowladda dhexe mas’uulka uga ah amniga deegaanka Mandera oo la hadlay warbaahinta maxalliga ahi ayaa sheegay in aysan jirin xogtaasi uu shaaciyay Cali Rooba ee ah ah in wax kabdan 50% Al-Shabaab ay maamusho jidadka Mandera, maadaama buu yiri laamaha ammaanka ay mar waliba heegan ku jiraan isla markaana ay ilaalo siiyaan basaska ka shaqeeya waddooyinka isku xira Mandera iyo magaalooyinka kale ee gobolka woqooyi-bari Kenya.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerarro kala geddisan ka geystay deegaanka Mandera, gaar ahaanna wixii ka dambeeyay sanadkii 2011 xilligaasi oo ciidamada Kenya ay ka tallaabeen xudduudda Soomaaliya si ay u baacsadaan Al-Shabaab.

Bishii Disembar ee saanadkii 2014 ayaa dabley ka tirsan Al-Shabaab waxa ay Mandera ku dileen ugu yaraan 36 qof oo dhammaantood ahaa dad ka soo jeeda gobollada kale ee dalka Kenya.

Weerarkaasi ayaa ka dhacay meel dhagax laga qodo oo ku taal duleedka magaalada Mandera.

Sidoo kale bishii Nofember ee isla sanadkaasi, ururka Al-shabaab ayaa 28 qof oo u badnaa macallimiin ka soo jeeda gobollada kale ee Kenya waxa uu dilay weerar ay ku qaadaeen bas u socday magaalada Nairobi.

Sidoo kale, billowgii bishii Abriil ee sanadkii 2015 ayaa dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab waxay weerar dhiig badan ku daatay ku qaadeen jaamacad ku taal magaalada Garissa ee xarunta gobolka woqooyi-bari Kenya, halkaa oo ay ku dileen ugu yaraan 148 qof oo u badan ardaydii Jaamacaddaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here