Caro ka dhalatay midab takoorkii xalay lagula kacay daafaca Chelsea

Chelsea iyo tottenham

Ururka Xirfadlayaasha Kubadda Cagta ayaa dowladda Britain ugu baaqay iney soo dhexgasho midab takoorka kubadda cagta ka dib markii markii la sheegay in falal cunusrimo la xiriira ay ka dheceen intii ay socotay cayaartii xalay ay Kooxda Chelsea Tottenham uga badisay labo iyo eber.

Waxaana intii ay socotay cayaarata cabasho midab takoor soo gudbiyay daafcada kooxdaasi Chelsea Antonio Rudiger ka dib markii uu sabab u noqday casaankii uu Son-Heung Min uu qaatay intii ay socotay ciyaarta.

Son ayaa haraantiyay xiddiga Chelsea isagoo dhulka jiifa, VAR ayaa go’aamisay in qaladkaas uu u qalmay casaan toos ah.

Dhacdadaas ka dib iyadoo Tammy Abraham la bedelayo ayuu Rudiger u sheegay kabtankiisa Azpilicueta in aflagaado cunsurinimo ah uu kala kulmayo taageerayaasha Tottenham.

Waxa uu bixiyay tilmaam daanyeer ah oo uu kala jeeday inay sidaasi ku tilmaamayaan. Azpilicueta ayaa durbadiisa u tagay garsooraha si uu u difaaco saaxiibkii.

Cod baahiyaha garoonka ayaa laga sheegay in ciyaarta loo hakiyay fal cusnurino ah oo lagula kacay Rudiger.

Garsooraha ayaa kursiga keydka ugu tagay labada tababare ee Tottenham iyo Chelsea Jose Mourinho iyo Frank Lampard. Iyadoo codbaahiyaha laga yiri: “Fal cunsurinimo ah oo ay ku kaceen taageerayaasha ayaa hakad gelinaya ciyaarta.”

Ururka Xirfadlayaasha Kubadda Cagta ayaa sheegay iney garab taagan yihiin cayaartooy walba oo la kulmo midab takoor waxayna sheegeen iney ka go’an tahay iney si wadaan dagaalkooda ka dhanka ah ee midab takoorka.

”Kubadda cagta waxay qeyb ka tahay dharka ay xirtaan bulshada reer Britain taasi oo sabab u ah in kubadda cagta laga dheelo Ingiriiska dunida aad looga taageero marka sidaa darteed waxaa ina saaran mas’uuliyadda ah inaan cunsuriyadda ka baabi’ino garoomada kubadda cagta ee UK”.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa sannad ka dib markii ay midab takoor dhanka kubadda cagta ah ay qabsatay bogagga hore ee wargeyyada Ingriiska iyadoo xilligaasi laacibka kooxda Manchester City Raheem Sterling uu cunurinimo kala kulmay garoonka Stamford Bridge bishii December 2018-ka taasi oo horseedday in taageerihii midab takoorka Sterling ku sameeyay gebi ahaanba laga mamnuuco garoomada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here