Cawad oo beeniyey warar laga faafiyey taleefonkii uu Farmaajo u diray Uhuru

w arimaha dibada cawad2

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga, Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyey in wada-hadalladii ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo Kenya ay ku yimaadeen cadaadis ay dalal kale saareen Soomaaliya.

Warbaahinta caalamiga ah qaarkood ayaa weriyey in madaxweyne Farmaajo uu taleefon u diray Uhuru Kenyatta kadib markii ay sidaas ku cadaadiyeen Mareykanka iyo Itoobiya, hase yeeshee Cawad ayaa taas ku gacan seeray.

“Waxba kama jiraan anaga waxaan nahay dalal xor ah. Dalal aad saaxiib tihiin waa idin wada hadalsiin karaan, laakiin go’aankii ugu dambeeyey wuxuu ka yimid madaxda labada dal, xaqiiqdii wuxuu ahaa go’aan ka yimid madaxweynaheena,” ayuu yiri Cawad.

“Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya labada dhinacba waxaa dega dad Soomaali ah, marka inaga oo kheyr la jecel dadka oo dhan, haddana si gaar ah waxaan kheyr dheeraad ah lasii jecelnahay dadkayaga ee dega labada dhinac ee xuduudda, sida madaxweynaha yiri, marka uma bahanin in qof uu ku dhinto macno darro.”

Cawad ayaa dhinaca kale faaf-faahin ka bixiyey kulan uu shalay Nairobi kula yeeshay dhiggiisa dalka Kenya, Raychelle Omamo.

Cawad ayaa sheegay inay ka wada hadleen labada dhinac sidii loo dhameyn lahaa khilaafka labada dowladood iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dowladood.

Waxa uu intaas ku daray inuu rajeynayo in wada-hadalladan ay ka bedelnaadaan kuwii hore, oo dhowr mar inta lagu heshiiyey aan haddana la dhaqan gelin.

“Haddii kuwii hore ay noqon waayeen sidii aan rabnay, waxaan fileynaa in kuwan ay hirgalaan. Ma jiraan wax damaanad ah, balse kulamadii ugu dambeeyey waxay na gelinayaan rajo,” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here