Cawad oo u yeeray safiirka Somalia ee Cumaan kadib markii laga soo dacwooday

w arimaha dibada cawad2

Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukumadda federaalka ayaa si deg deg ah ugu yeertay safiirka Soomaaliya ee wadanka Cumaan, Mudane Cabdiweli Cali Axmed (Jaylaani).

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa amray danjiraha in muddo afar cisho gudhood ah uu dib ugu soo laabto dalka.

Sidoo kale warqadaan ayaa lagu sheegay in u jeedadu ay tahay sidii wax looga weydiin lahaa  dacwado loo heysto Danjire Jeylaani oo ku aadan  khilaafka kala dhexeeya diblumaasiyiinta kale ee safaaradda Soomaalya ay ku leedahay dalka Cumaan.

“Hadaba waxaa si xushmad ku jirto lagaaga codsanayaa inaad dhowrto ujeedada sare ku xusan, kuna timaado waqtiga laguu tilmaamay gudihiisa” ayaa lagu yiri warqadda.

Ugu dambeyn qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in ku sime uu sii ahaan doono, Mudane Cumar Sheekh Maxmed oo ah lataliyah koowaad ee safaaradda.

Waa safarkii 2-aad ee loogu yeerayo inuu Muqdisho yimaado, iyadoona wasaaraddu saacadihii la soo dhaafay u yeertay safiirka Soomaaliya ee Suudaan iyo ku xigeenkiisa, oo Caasimada Online ay ogaatay in 20-kii bishan uu dhex maray dagaal gacan ka hadal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here