Cawad oo xilka laga qaaday iyo wasiir arrimo dibadeed cusub oo la magacaabay

cawad wads2

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, wuxuuna ku beddelay Maxamed Cabdirizaaq Maxamuud Abubakar.

Wareegto kale oo kasoo baxday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in Axmed Ciise Cawad loo magacaabay xil safiir, inkasta oo aan la shaacin dalka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in xil ka qaadista Cawad ay la xiriirto muran ka dhashay warqad shalay lasoo dhigay cinwaanka twitter-ka ee wasaaradda oo dowladda Ethiopia looga taageeray dagaalka ay kula jirto gobolka Tigray, warqaddaas oo markii dambe laga saaray bogga.

Qoraalka oo uu Cawad soo dhigay cinwaankiisa shakhsiga ah ee twitter ayuu ku yiri “Waxaan caddeynayaa inuusan jirin qoraal rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda oo ku saabsan xaaladda Ethiopia. Qoraalka la wareejinayo ma matalo aragtida dowladda Soomaalioya, sidaas darteed ma ahan mid sax ah.”

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in sababta qoraalka looga laabtay ay tahay dalab ka yimid xukuumadda Ethiopia, oo lasoo hadashay xukuumadda Soomaaliya, taasi oo dalbatay qoraal kasii adag midka la tiray, oo dad badan la yaabeen sida Soomaaliya u taageertay dagaal ka dhex socda dal kale gudihiisa.

Inkasta oo Soomaaliya ay qoraalka si cad ugu sheegtay inay la safan tahay xukuumadda Abiy Ahmed, haddana Abiy ayaa la sheegay inuu kasoo horjeestay qeyb qoraalka ka mid ah oo ku baaqaya in xiisadda wada-hadal lagu dhameeyo, wuxuuna u arkay qoraal dabacsan.

Abiy ayaa la sheegay inuu doonayo taageero buuxda, oo aan la socon wax baaq wada-hadal ama nabad ah, waxaana la filayaa in dowladda Soomaaliya ay soo saarto qoraal kasii adag midka ay tirtay, taasi oo ku tuseysa heerka awoodda uu Abiy uu ku leeyahay dalkeenna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here