Cayaaryahan oo Mesut Ozil oo magaalada Muqdisho ka qeybinaya deeq gargaar

mesut Ozil

Xiddiga kooxda Kubadda Cagta Arsenal iyo dalka Jarmalka Mesut Ozil ayaa gargaar loogu talo-galay bisha Ramadan ka qeybinaya goobo ay ka mid tahay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ozil ayaa lacag 101,000 oo dollar ah ugu deeqay hay’adda Bisha Cas, si ay gargaar ugu qeybiso muslimiinta dhowr dal, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

Lacagtan ayaa waxaa loo adeegsan doonaa in afur lagu siiyo 16,000 oo qof oo ku nool dalka Turkiga, inta lagu guda jiro bisha Ramadan, sida ay sheegtay hay’adda Bisha Cas ee Turkey.

Sidoo kale qoysas ku kala nool Turkiga iyo Syria ayaa 2,000 oo xirmo oo gargaar ah ka heli doona deeqda Ozil, halka 90,000 oo xirmo oo afur ah laga qeybin doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kerem Kinik, oo ah oo ah madaxa hay’adda Bisha Cas ee Turkey, ayaa xiddigan fadhigiisu yahay magaalada Lodnon uga mahadceliyey deeqdiisa.

“Waxaan qeybin doonaa xermooyinka gargaar ee uu ku deeqay walaalkey Mesut, waxaana u gaarsiin doona dadka loogu talo-galay sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri Kerem.

Ozil, ayaa ku dhashay kuna koray dalka Jarmalka, hase yeeshee qoyskiisa ayaa asal ahaan kasoo jeeda Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here