CC Shakuur: Dowladda Soomaaliya waxay Sh. Xasan Daahir u ogolaatay inuu ku baaqo in la i dilo

cc shakuur

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay u ogolaatay Xasan Daahir Aweys oo u xiran inuu ku baaqo in isaga la dilo.

Qoraal uu C/raxmaan C/shakuur soo geliyay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in dowladda ay ku taageereyso Shiikh Xasan Dahir iyo taageerayaasheeda inay baraha bulshada ku faafiyaan arrintan.

“Dowladda Soomaaliya waxay u ogolaatay Xasan Daahir Aweys, oo argagixiso ah oo dilay kumanaan dad ah, inuu ku baaqo dilkeyga, iyadoo dowladdu ku taageereyso isaga iyo taageerayaasheeda inay si isku mid ah lagu faafiyo baraha bulshada, Miyaanay caddayn inay dawladdu la shaqayso argagixisada” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Xasan Daahir oo bartiisa Facebook ka soo galay muuqaal toos ah ayuu ku tilmaamay C/raxmaan C/shakuur inuu ku dhacay gaalnimo, isla markaana uu marayo halkii Salmaan Rushdi, isagoo ugu baaqay inuu towbad keeno, kaddib markii uu sheegay in C/raxmaan uu ku jees jeesay axaadiis ka sugnaaday Nabi Muxamed (NNKH).

Xasan Daahir oo xabsi guri ah ayaa fekerkiisa ka gudbin kara Internetka iyo Baraha Bulshadda, isagoo si cad u dhiibta aragtidiisa siyaasada dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here