CC Shakuur oo ciidamada DF ku amaanay siday u badbaadiyeen boqol qof oo xalay lagu weeraray hotel SYL

cc shakuur

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Mudane  Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay weerarkii xalay Al-Shabaab ay ku qaaday hooteelka SYL, kadib markii ay gudaha u galeen illaa shan nin oo hubeysnaa.

Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa tacsi u diray ehellada ay dadkoodu ku dhinteen weerarkaasi, isagoona ku dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad degdeg ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Al-Shabaab hadda ay la soo baxday tab cusub oo ay ku fulineyso weeraradeeda, marka la fiiriyo sida uu u dhacay weerarkii SYL.

“Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay weerarkii argagexiso ee xalay lagu qaaday Hotel SYL, Eebbe weyne ha caafiyo intii ku dhaawacantay. Waxaa muuqata in argagexisadu ay tab hor leh la soo baxday, heleenna hawl fududeyn gudaha ah.” ayuu yiri siyaasigu.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sidoo kale ciidamada dowladda ku amaanay, sida ay u fuliyeen howlgalkii lagu soo afjaray weerarkaasi, kaas oo lagu soo badbaadiyey ku dhowaad boqol qof oo xilligaas ku sugnaa dhismaha hoteelka ee la weeraray.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab, si looga hortago qatarta ay ku hayaan dalka.

“Waxaan ammaan u jeedinayaa ciidank geesiyada ah oo naftooda u huray badbaadinta shacabka. inta uu fikirka argagexisada nagu dhex nool yahay, inta aan la dirirkooda mudnaanta la siinaynin, meelna looga soo wada jeesanaynin, inta aan ilahooda dhaqaale la owdaynin, cadawgu gummaadku wuu wedayaa.” ayuu sii raaciyey C/raxmaan C/shakuur.

In la xaqiijiyey waxaa weerarkaan ku dhintay illaa 10 qof, kuwaas oo isugu jiray raggii dagaalka soo qaaday, askar iyo dad shacab intaba.

Weerarka oo qaatay ku dhowaad 7 saac ayaa waxaa la soo gabagabeeyey xalay saqdii dhexe, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here