Ciidamada amaanka oo burcad hubaysan ku toogtay suuqa Bakaaraha

ciidamada onkod 1

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaaan iska hor imaad kooban oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo rag hubeysan, kaas oo saaka ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo Boolis ah iyo raggaasi oo la sheegay inay ahaayeen burcad dhac ka geysaneysay gudaha suuqa, gaar ahaan, halka loo yaqaano Khaliifa, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in is-rasaaseynta kadib toogasho lagu dilay labo ka mid ah ragga burcadda ahaa, kuwaas oo meydadkooda ay horay u qaateen ciidanka amniga.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in iska hor imaadka uu ku dhintay qof shacab ahaa, sidoo kalena uu kuu dhaawacmay askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa hadda caadi ku soo noqotay, kadib hakad yar oo ku yimid dhaq dhaqaaqa ganacsiga ee suuqa Khaliifa.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ammanka dowladda oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa toogasho u geysta ragg burcad ah oo xilliyada qaar dhac baahsan ka geystay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here