Ciidamada amniga oo caawa magaalada Muqdisho ku dilay nin hubeysnaa

ciidamada onkod 1

Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa caawa togasho ku dilay nin ku hubeysnaa Bistoolad.

Dilka ruuxaas oo la sheegay in uu ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaano Siligga Ameerikaanka oo u dhaw daarta Sey-biyaano.

Ciidamada ayaa ka shakiyay ninkaas ku hubeysnaa bistooladda waxayna ku amreen inuu istaago, balse waxa uu isku dayay inuu ka baxsado, intaas kadib rasaas ay ku fureen ayaa waxaa ka soo gaaray dhaawac uma uusan istaagin oo waxa uu ku dhex dhuuntay gaari Bus ah/Caasi oo ay la socdeen dad rakaab ah.

Ciidamada ayaa uga daba tagay gaariga uu ku dhuuntay iyagoo oo halkaas ku dilay, waxayna ka heleen bistoolad uu ku hubaysnaa.

Wali lama ogaan cidda uu ka tirsanaa ruuxaan la dilay, mana jirto cid aqoonsatay meydkiisa oo muddo yaalay halka lagu dilay oo ah kasoo horjeedka Siligga Ameerikaanka ama beerta Qaadka.

Ciidamada ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay toogasho ku dilay qaarna nolosha ku qabtay dhalinyaro ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo xilliyadaas dilal ka geysanayay magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here