Ciidamada Amniga oo Muqdisho ka fuliyay howlgallo ka hor-tag iyo ka daba-tag falal ka dhacay

muqdisho no4

Ciidamada Amniga dowladda ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay howlgalada sugida amniga Caasimadda Muqdisho, iyagoo sameeyay ficilo ka hortag iyo ka daba tag oo lagu soo qabtay weeraro iyo dilal ay geysteen rag hubeysan.

Arbacadii la soo dhaafay ayay aheyd markii Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen labo nin hubeysan, kuwaasoo Askari ku dilay agagaarka suuqa weyn ee degmada Wadajir, waxaana falka dilkaas kaddib ay ciidamada amniga dabagaleen raggii dableyda ee dilka geysatay, dabadeedna qabtay labada nin oo mid ka mid ah ku dhaawacmay rasaastii lagu baacsanayay.

Sidoo kale maalintii Khamiistii ayaa Ciidamada Amniga waxay ku toogteen Agagaarka Isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid nin dhalinyaro bastoolad ku hubeysan, kaasoo askari dilay.

Habeen hore ayay aheyd markii labo nin hubeysan oo soo weeraray xarunta degmada Dayniile gacanta lagu dhigay, waxaana labadaas nin hubeysan xilli habeen ah ay soo qaadeen isku day weerar, waxaana suura gashay in nolosha lagu qabtay, markii ay Ciidanka iska caabiyeen weerarkaas.

Tallaabooyinkan is xiga ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho waxay muujinayaan natiijada ka dhalatay howlgalada ciidamada Amniga ka wadaan Caasimadda, taasoo suura gelisay inuu hoos u dhaco dilalkii iyo qaraxyadii magaalada ka dhici jiray oo muddooyinkan yaraaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here