Ciidamada Amniga oo xalay howlgal gaar ah ka fuliyay mid ka mid ah Xaafadaha Muqdisho

booliis howlgal amni

Ciidamada Booliska Goobolka Banaadir ayaa xalay howlgal gaar ah oo dad lagu qabqabtay ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkan ayaa waxaa ka qeyb qaatay Ciidamada Booliska  oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka, waxaana laga sameeyay laga bilaabo xaafadaha ku dhow Isgoyska Daljirka Dahsoon illaa Afarta Jardiino.

Ciidamada ayaa howlgalka ku qabtay dhalinyaro, waxaana ay galayeen guryaha qaar oo ay kala soo baxeen dhalinyarada, inkastoo markii dambe hal meel la isugu geeyay, dabadeedna intooda badan la sii daayay.

Howlgalkan ayaa ku soo aaday, xilli habeenadii la soo dhaafay ay Ciidamada Amniga ka wadeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir howlgalo qorsheysan oo lagu sugayay amniga, kuwaasoo dad lagu qabqabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here