Ciidamada Booliiska Jowhar oo gacanta ku soo dhigay aabbe wiilkiisa gowracay

saldhiga booliiska jowhar.

Taliyaha Ciidanka Booliiska magaalada Jowhar Maxamed Siyaad Canjeex ayaa sheegay in ciidanka Booliisku ay gacanta ku soo dhigeen aabihii xalay wiilkiisa ku gowracay mid ka mid ah xaafadaha Jowhar.

Taliyaha ayaa sheegay in Cismaan Ibraahim oo wiilkiisa Ibraahim Cismaan Ibraahim xalay fiidkii ku gowracay Laanta Faanoole ee Xaafada Horseed ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada.

Waxaa uu sheegay in aabbaha markii uu falka dilka geystay uu goobta ka baxsaday, balse howlgal ciidamada sameeyeen ay suura gashay in la soo qabto.

Aabaha dilay wiilka ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadka xooggooda uga xamaasha  magaalada Jowhar,

Falkan naxdinta ahaa ayaa dadka deegaanka si weyn uga argagaxeen, waxaana la sheegay aabbaha uu gowracay curadkiisa oo 14 sano jir ahaa, iyadoo aan la ogeyn sababta uu u dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here