Ciidamada Booliiska Somaliland oo nin shacab ah ku dilay Laascaanood

war deg deg

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa caawa nin shacab ah ku dilay gudaha Magaalada Laascaanood, sida ay noo xaqiijiyeen dad qarabo la ah marxuumka la toogtay.

Alle how naxariistee Marxuumka la dilay ayaa magaciisa la odhan jiray Cabdiraxmaan Cumar Faarax (Ina Cumar Dayo).

Ninkan oo magaalada laga yiqiinay ayaan ilaa hadda la sheegin sababta Booliisku u toogteen, iyadoo dadk degaanku ay sheegayaan in Ciidamada iyo Booliiska Somaliland ay beryahanba habeenimada feejignaan dheerada gelayeen, si ay uga digtoonaadaan weerarada gaadmada ee Jabhadda xoreynta Khaatumo ee Korneyl Falaalug.

Shacabka Magaalada Laascaanood ayaa si weyn uga xumaaday dhacdadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here