Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay askari 8 sano ka hor dilay 2 Haween ah

ciidamo howlgal habeen

Waxaa gacanta lagu dhigay askari ka tirsan Ciidamada Booliska oo 8 sano ka hor dil ka geystay Magaalada Muqdisho sida uu sheegay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Askariga la qabtay ayuu taliska Booliska sheegay inuu 8 sano ka hor  laba ruux oo haween ah ku dilay Xaafad ka tirsan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Taliska Booliska ayaa sheegay in dilka uu geystay askarigaan uu yimid kadib markii Askariga uu haweenka weydiistay lacag yar balse ay diideen taasoo keentay inuu dilkaas u geysto taariikhda markay aheyd 3 May Sanadkii 2012.

Taliska ayaa sheegay in askarigaan uu ku jiro gacanta laamaha Amniga isla markaasna dhawaan uu wajihi doono cadaaladda si looga abaal mariyo dilkii ula kaca ahaa ee uu u geystay haweenkaas shacabka ahaa.Valueimpression Placeholder

Qabashada askarigaan ayaa imaaneyso xilli aysan cadaaladda marin askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo maalmihii ugu dambeeyey dilal u geystay dad Shacab ah oo ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Hoos ka akhriso qoraalka uu soo saaray Taliska Booliska Dowladda

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa gacanta ku Soo dhigay askari ka tirsanaa Ciidanka Boliiska oo 8 sanno ka hor Degmada Kaaraan dil ugu geysatay 2 Marxuumiin oo dumar #Uur leh ahaa.

3/May/2012, ayuu Abshir Cabdulaahi Baseey (Abshir Dheere) wuxuu dilay Marxuumiinta kala ah;- Nimco Xasan Cali iyo Dahabo Calasow Axmed, sababta dilka ayaa ahaa cadad lacag aad u yar oo uu ka doonayay.

Qof kasta oo faldanbiyeed gala Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gacan ayuu ku Soo dhigidoonaa Cadaaladana wuu dhadhamindoonaa, isaga oo kasoo hor muuqandoonaa Maxkamada Awooda u leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here