Ciidamada Danab oo howlgal ku dilay horjooge Abu Haashim iyo maleeshiyadiisa

ciidamada danab2

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamada Kumaandooska Xoogga dalka ay howlgal kadhacay deegaanka Leego ku dileen horjoogihii Al-Shabaab ugu qaabilsanaa canshuuraha iyo maleeshiyaadkiisa.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska, howgalkan qorsheeysan ayey ciidamada Danab sidoo kale ku bur buriyeen goob ku taalla deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku qaadayeen lacago baad ah.

“Howlaglka ayaa lagu qaarijiyay horjoogihii canshuuraha argagixisada uqaabilsanaa degmada Wanlaweyn iyo degaanada hoos yimaada, waxaana sidoo kale ciidanka halkaasi ay ku qaarijiyeen labo maleeshiyo oo la socday,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidanka xoogga.

Taliyaha guutada Kumaandooska xoogga dalka ee Danab Gaanshaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in howlgalka uu yimid kadib markii cabasho ay ka timid dadka shacabka ee wadadaasi isticmaala.

“Ciidanka oo ka jawaabaya cabashada dadka Soomaaliyeed ayaa waxay bur-buriyeen gabi ahaanba goobtii lacagaha baada ah lagu qaadayey, islamarkaana lagu dilay horjoogihii qaabilsanaa iyo maleeshiyadiisa,” ayuu yiri.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in horjoogaha howlgalka lagu dilay lagu magacaabo Abu Haashim balse magaciisa oo dhameystiran dib ay kasoo sheegi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here