Ciidamada DANAB oo xalay howlgal qorsheysan ku qaaday deegaanka Basra ee Sh/Dhexe

ciidamada danab2

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada DANAB ee ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya ay xalay howlgal qorsheysan ku qaadeen deegaanka Basra.

Ciidamadan oo xalay fiidkii ka yimid dhanka Muqdisho, ayaa la sheegay inay ka galeen deegaanka Basra jidka Jaayga ee aada Afgooye, kana baxda degmada Balcad.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan ay ku hubeysnaayeen gaadiidka dagaalka oo ku dhow 40-meeyo oo ay wehliyeen gawaarida Ambalaasta.

Deegaanka Basra ayaa u jirtay degmada Balcad illaa 16KM, waxaana deegaankaas saldhig weyn u ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaa lagu tilmaamay in Al-Shabaab u ahaa Basra saldhig ay weerarada kaga qaadi jireen Afgooye, Balcad iyo wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar.

Inta badan Howlgalada Ciidanka DANAB ee uu tababaray Mareykanka ayaa ah mid guur-guura oo aan saldhig laheyn, waxaana dhacday in deegaano ay la wareegeen inay isaga soo baxeen muddo kaddib marka ay fuliyaan howlgalo gaar ah.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in dagaalamayaal fara badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay soo buuxiyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo ka soo cararay duqeymaha Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here