Ciidamada DF oo fashiliyey qaraxyo ay Al-Shabaab ku soo xirtay Lo’

ciidamada xoogga3

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in ciidamada milatariga ee ka howlgala deegaanka Janaale ay ka hortageen weeraro qaraxyo ah oo ay qorsheynayeen inay fuliyaaan dagaalyahannada Al-Shabaab.

Warka ka soo baxay taliska ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxyadaasi, lagu soo xiray labo Neef oo Lo’ ah, islamarkaana la doonayey in lagu dhibaateeyo askarta dowladda.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in weeraradaasi la damacsanaa in laga fuliyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa u mahadceliyey ciidamadii ka hortagay weeraradaasi, iyada oo lagu amaanay, sida ay uga feejigan yihiin weerarada kooxda Al-Shabaab.

Janaale oo ka mid ah deegaanadii dhowaan lagala wareegay Xarakada Al-Shabaab, waxaana haatan ku sugan taliyaha ciidanka Xoogga dalka, Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage oo abaabul iyo dhaq dhaqaaq xoogan ka wada gobolka Sh/ Hoose.

Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan markii ugu horreysay oo ciidamada dowladda ay fashiliyaan weeraro ka imaan lahaa Al-Shabaab, waxaana howlgallo baaritaano ah ay ka wadaan qeybo badan oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here