Ciidamada DF oo ku raad-jooga saraakiil khalkhal gelin rabay amaanka Muqdisho

ciidamada onkod 1

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal ay ciidamada dowladda Soomaaliya xalay ka fuliyeen guri uu magaalada Muqdisho ka degan yahay sarkaal ka tirsan militeriga Soomaaliya.

Sarkaalkaas waxaa lagu magacaabaa G/Sare Maxamuud Maxamed Nuur Masdile, waxaana lagu sheegay sababta loo weeraray gurigiisa in lala xariirinayo dagaal maalinka hor ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex-maray degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir,

Sarkaalkan ayaa ka mid ah xubno loo tiranayo inkay beryahanba ku mashquulsanaayeen sidii caasimada Soomaaliya amni xumo looga abuuri lahaa, kuwaas oo iminka baxsad ku jira.

Ciidamada Soomaaliya noocyadooda kala duwan ayaa muujiyey inay si buuxda gacanta ugu hayaan amaanka caasimada, islamarkaana ay haystaan taageerada shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here