Ciidamada DF oo la wareegay Buurweyn oo ahayd xarun ay Al-Shabaab canshuuraha ku qaadaan

farmaajo tababar ciidan turksom 24072019 1

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay degaanka Buurweyn oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Buurweyn oo qiyaastii 25-KM koonfur kaga beegan magaalada Buula-Burde ee gobolka Hiiraan, ayaa Al-Shabaab u ahayd goob muhiim ah oo ay canshuuraha ku qaadaan.

Dhamme Cabdi Maxamed Xasan oo ah taliyaha hoggaaminayay ciidanka xoogga dalka ee la wareegay Buurweyn, ayaa sheegay in weerarkaas ay uga gol lahaayeen xaqiijinta amaanka degmada Buula-burde oo sanado badan go’doon ugu jirta Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay Taliyuhu in si nabad ah ay kula wareegeen deegaankaas oo il dhaqaale u ahayd Al-Shabaab, kaddib markii ay iskaga carareen, haatana ay qorsheynayaan inay dib ugu laabtaan Buula-burde oo aysan kusii sugnaa doonin Buurweyn.

Waxa kale oo uu sheegay inay ku laaban doonaan oo dib ula wareegi doonaan deegaanka Buurweyn, isagoo carrabka ku adkeeyay in markaas ay ka sameysa doonaan saldhigyo ciidan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku caan baxay inay dib u baneeyaa dhul ay dagaal kaga qabsadeen Al-Shabaab, waxeyna arintaas shaki iyo walaac badan ka muujiyay waxgarad badan oo Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here