Ciidamada DF oo Matabaan kala wareegay kuwa Ahlu Sunna kadib dagaal culus

danab kumandoos

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegeen gacan ku heynta degmada Matabaan oo muddo sanado ah ay maamulayeen Ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in dagaal kooban uu ka dhacay Magaalada, islamarkaana Ciidanka Ahlusunna ay ka baxeen.

Dhinaca kale, duleedka magaalada Matabaan ayaa koox hubaysan waxa ay weerar jid gal ah ugu gaysatay wafdi uu la socday wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sebriye.

Waxaa la sheegay in weerarkaas ay iska caabiyeen ilaalada wasiir Sebriye, kadib is rasaasayn socotay muddo kooban oo dhex martay waxaana loo maleynayaa in dableyda geysatay weerarkaas jid galka ah ay taabacsanyihiin Ahli-Sunna oo si buuxda u maamulaysay magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan.

Wafdiga wasiir Sebriye ayaa gaaray magaalada Matabaan oo sida la sheegay gacanta u gashay ciidamada xoogga dalka qeybtooda 21aad, kuwaas oo hada si buuxda u maamulaya gacan ku haynta Matabaan.

Wasiirka ayaa sida la sheegay goor dhaw goob fagaare ah kula hadli doona dadka ku nool magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here