Ciidamada DF oo qabtay soona bandhigay nin qarax miino shirqoolayey

dhagar qabe

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo miina baaris ah waxa ay saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in intii ay howlgalka ku jireen ay gacanta ku dhigeen nin dhallinyaro ah oo miino ku aasayay wadada soo gasha degaanka Janaale.

Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in shaqsiga la soo qabtay ay ku wareejin doonaan Maxkamada Ciidamada, si loo mariyo ciqaabta miinada uu doonayay in uu dadka ku dhibaateeyo, sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Milateriga ayaa tan iyo markii ay la wareegeen deegaanka Janaale waxay wadeen howlgalo miino baaris ah, waxaana dhowr jeer lala eegtay qaraxyo miino, kuwa kalena waa ay ka hortageen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here