Ciidamada DF oo weeraray maleeshiyaad kasoo horjeeda Cali Guudlaawe

kumaandoos gorgor

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa iska hor imaad culus oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan oo uu wato sarkaal lagu magacaabo Abuukar Xaaji Warsame oo ku magac dheer Xuud oo ka dhacay duleedka magaalada Beleedweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamo ka kala tirsan talisyada Booliiska, nabad-sugida iyo milatariga oo ka baxay Beledweyne ay weerareen sarkaalkaasi iyo maleeshiyaadka uu wato oo ka soo horjeedo maamulka Cali C/lahi Xuseen (Guudlaawe).

Wararka ayaa sheegaya iska hor imaadka uu xoogiisu ka dhacay wadada aada dhinaca deegaanka Ceelgaal oo ay isku uruursanayeen maleeshiyaadkaasi.

Dadka deegaanka ah ayaa sheegaya inay kala carareen maleeshiyaadka la wareeray oo baryahan dhaqdhaqaaqyo ka waday halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada weerarka qaaday ay amar u heystaan inay soo xiraan Xuud oo ah sarkaalka wada abaabulkaasi ciidan.

Dhinaca kale waxaa fashilmay dadaallo iyo wada-hadallo la doonayey in lagu soo afjaro xiisadaasi oo ay wadeen wagaradka deegaanka.

Si kastaba waxaa labo goor dib u dhacay safar uu Cali Guudlaawe ku tagi lahaa magaalada Beledweyne oo uu kaga sii horreeyey ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here