Ciidamada DF Somalia oo la wareegay ammaanka Dhuusomareeb

farmaajo tababar ciidan turksom 24072019 1

Amaanka magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen magaaladda Dhuusamareeb wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Isloow, wasiirka arimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, madaxa xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo guddomiyaha guddiga dib u heshiinta beelaha Galmudug Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi Baadiyow ayay ku sheegeen in ammaanka magaaladda Dhuusamareeb lagu wareejiyay dowladda faderaalka Soomaaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in lagu guulaystay in la isku daro ciidamadda booliska, Nabad Sugida iyo Militariga ayna si wadajir ah u xaqiijinayaan ammaanka magaalada.

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa munaasabadda ka caddeeyay in maanta laga bilaabo si guud ciidamada dowladda federaalka ay mas’uul uga yihiin ammaanka magaalada Dhuusamareeb.

Madaxa fulinta Galmudug,  Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo u mahadceliyay cid kasta oo qayb ka qaadatay guusha la gaaray ayaa ku bogaadiyay ciidamada amniga in ay ka shaqeeyaan ka guul gaaridda mas’uuliyadda xooggan ee dusha laga saaray,  isaga oo ballan qaaday in si buuxda ay ula shaqeyn doonaan.

Xildhibaan Mahad Salaad oo munaasabadda goob joog ka ahaa ayaa arrinta ku tilmaamay guul kale oo taariikhi ah oo lagu dhammeystirayo dib u yagleelidda maamulka Galmudug, waxa uuna ballan qaaday in xildhibaannada deegaanku ay qayb ka qaataan ka guul gaaridda dib-u-heshiisiinta

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabadaha shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa madasha ka sheegay in guddigu ku faraxsanyihiin guushaan taariikhiga ah ee laga gaaray dhammeynta shakigii bulshada Galmudug ay muujinayeen ammaanka Dhuusamareeb, waxa uuna uga baaqay reer Galmudug dhammaan in ay shir-weynaha kasoo qeyb galaan oo ay aayahooda ka tashadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here