Ciidamada DF Somalia oo xarumaha muhiimka ah ee Dhuusamareeb la wareegay

boolis xamar ramadaan amniga sugaan1762015 9

Ciidamada Booliska ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegay dhammaan xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Ciidamadan oo saaka aroortii hore laga qaaday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa gaaraya 120 askari, waxaana hoggaminaya sarkaal lagu magacaabo Farxaan Qaroole oo ah taliyaha Booliska sida gaarka u tababaran ee Haramcad.

ciidamada ayaa la wareegay amniga garoonka Ugaas Nuur, madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb iyo xarunta lagu qabanayo shirweynaha dib u heshiisiinta ee maamulkaasi

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay dhowaan dhici doonaan shirweynaha dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug iyo doorashada hoggaanka sare ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here