Ciidamada DF Soomaaliya oo ku dhowaaday halka ay ku sugan yihiin ciidamada Jubbaland ee Mandheera

sagootin ciidan4

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa hawlgal shalay ay ka sameeyeen Gobolka Gedo waxay ku taggeen, oo ay ku saldhig dhigteen xuduuda kala qaybisa Degmooyinka Beled Xaawo iyo Mandhera, oo ku yaala xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada Dowladda ayaa aad ugu dhawaaday goobta ay xuduuda dhanka Mandhera kaga sugan yihiin Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, taas oo baqdin ku keentay dadkii xuduuda deganaa, oo baqdin awgeed uga barakacaya guryahooda.

Daahir Aadan Maxamuud oo ka mid ah dadka dhaqan Degmada Beled Xaawo ayaa warbaahinta Dhacdo u sheegay in Ciidamada Dowladda la wareeegeen xaafadaha Dhabad, Xaashaawe iyo Immigration-ka, oo ku yaala xuduuda, soona xigga dhinaca Soomaaliya.

“Ciidanka Dowladda waxay saakay ku fideen xuduuda. Ciidanka ayaa la wareegay gacan ku haynta xaafadaha Xaashaawe, Dhabad iyo Immigration-ka oo ka soo horjeeda Kastamka xuduuda, oo Kenya ay maamusho.” Ayuu yiri Daahir Aadan Maxamuud.

Daahir Aadan Maxamuud oo sawir ka bixinaya goobaha ay Ciidamada Dowladda la wareegeen iyo ujeedada ay xilligan u taggeen ayaa yiri “Meelaha ay Ciidanka Dowladda la wareegeen waa waddo dheer oo xuduuda ku taala, hadana waxay jooggaan dhulka xuduuda ee labada dal ay wadaagaan, gaar ahaan qaybta Soomaaliya ayay jooggaan, kuwii kale ee Jubbaland ayagana waxay ku sugan yihiin meesha la dhaho BIBI ONE, waa xuduuda dhinaca Kenya.”

Sidoo kale wuxuu yiri “Laba habeen ka hor ayaa madaafiic lagu soo tuuray Xerada Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Magaalada Beled Xaawo, madaafiicdaas ayay baareen, waxayna ogaadeen inaysan Al Shabaab ka dambeen, oo kuwa Jubbaland ay soo tuureen, laakiin weerarkii toddobadkii hore lagu soo qaaday Xerada UK ee Ciidanka Dowladda ku leeyihiin magaalada, askarta Jubbaland kama aysan dambeen, Al Shabaab ayaa weerarkaas soo qaaday.”

Daahir Aadan ayaa xaqiijiyay in hawlgalka ay Ciidamada Dowladda kula wareegeen deegaanada xuduuda dhaca, ay baqdin ku abuurtay dadkii deegaanka, kuwaas oo bilaabay inay isaga barakacaan xuduuda.

“Marka la wareegitaanka Ciidanka Dowladda ee xuduuda waxay cabsi ku keentay dadka ku dhaqnaa Xaashaawe iyo Dhabad, aad ayaa looga soo barakacay Xaashaawe. Dadka kale ee ku nool deegaanada xuduuda qaybta Kenya ayagana barakac ayay sameeyeen, dhanka Mandhera ayay u barakaceen. Labada dhinacba dadka waxay cabsi ka muujinayan in lagu dul dagaalamo.” Ayuu yiri Daahir Aadan.

Waa markii ugu horeysay ee Ciidamadii Dowladda 4-tii bishan la wareegay Degmada Beled Xaawo, ay gaaraan xuduuda degmadaasi la leedahay Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here