Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo dagaal ku dhexmaray Sh/Dhexe

farmaajo tababar ciidan turksom 24072019 1

Wararka laga helayo gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya weerar khasaaro geystay lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya oo marayay inta u dhaxeysa degmada Balcdad iyo deegaanka Qalimow.

Gaadiid ay wateen ciidamada Dowladda oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa qarax lagula eegtay halkaas, waxaana u xigay weerar toos ah iyadoo halkaas uu ka qarxay dagaal ka fool fool ah oo ay labada dhinac isaga hor yimaadeen.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa lagu qoray in xoogagga xiriirka la leh Al-Qaacida ay weerar ka geysteen Shabeellada hoose isla markaana ay khasaaro nafeed gaarsiiyeen ciidamada dowladdda.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka labada dhinac dhexmaray hadana warbaahinta ku dhinaca ah Al-Shabaab ayaa sheegay iney gubeen gaari nuuca booyadda ah sidoo kalana ay saddex askari ka dileen ciidamo saanad u waday ciidamada Burundi ee ku sugan magaalada Jowhar.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadeysaa xilli shalay ay Al-Shabaab gaari kala tageen isla markaana dileen xildhibaan ka tirsanaa Hirshabelle.

Sarakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaan ilaa iyo hadda ka hadlin weerarka lagu qaaday ciidamada kusii jeeday Jowhar sida la sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here