Ciidamada dowladda Libya oo magaaladii ugu muhiimsaneyd ka qabsaday Khalifa Haftar

Khalifa Haftar

Ciidamada dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Libya ayaa maanta dib u qabsaday magaalada Tarhouna ee ku taalla koonfurta bari ee magaalada caasimadda ah ee Tripoli, taasi oo Jeneral Khalifa Haftar ka saareysa halkii ugu xoogganeyd ee ugu dambeysay ee uu kaga sugaa Galbeedka Libya.

Tarhoun waxay ahayad magaalada uu Khalia Haftar kasoo qaadayey weeraradii socday 14-ka bilood ee uu doonayey inuu ku qabsado Tripoli.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Khalif Haftar iyo ciidankiisa oo ku aaddan ka bixitaankooda magaalada, taasi oo timid maalin kadib markii laga riixay goobihii ugu dambeeyey ee ay kaga sugnaayeen caasimadda.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale Arbacadii dib u qabsaday garoonka weyn ee diyaaradaha ee magaalada Tripoli, taasi oo magaalada caasimadda ka wada saarta ciidamada Jeneral Khalifa Haftar.

Dagaalka Libya ayaan weli fari ka qodneyn, maadaama ciidamada Khalifa Haftar ay maamulaan Bariga dalkaas, oo ay ka dhiseen dowlad kale, iyo koonfurta dalka, oo ah halka ay ku yaallaan goobaha saliidda laga soo saaro.

Haftar ayaa bishii April ee 2019 billaabay weerar uu doonayo inuu ku qabsado caasimadda Libya, hase yeeshee waxaa bilihii dhowaa hakiyey faro-gelin ay Turkiga ku sameeyeen dalkaas, ayaga oo taageeraya ciidamada dowladda.

Khaliifa Xaftar ayaa waxaa taageera Masar, Imaaraadka Carabta iyo Ruushka, halka dowladda ay gacan ka heleyso Turkiga iyo Qatar.

Isha: VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here