Ciidamada Dowladda oo howlgal qorsheysan ka fuliyey degmada Diinsoor iyo hogaamiye alshabab oo la dilay

ciidamada danab2

Wararka laga helayo degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayeen kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay howlgallo ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmadaas.

Howlgalka oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxaa Saraakiisha qeybta ka ah ay sheegeen inay ka fuliyeen tuulooyinka gurman iyo gurbaan oo hoostaga degmada Diinsoor, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Cabdisalaan Xaaji Siidow ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay howlgalkaas guulo ka gaareen, isla markaana khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in dagaal kooban ay la galeen Ciidamada Ururka Al-Shabaab, isa markaana weli Ciidamadu ay wadaan howlgallo lagu doonayo in Ururka Al-Shabaab looga saaro deegaannada hoostaga degmada Diinsoor.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa dhawaan waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here