Ciidamada dowladda oo iska caabiyay weerar Al-Shabaab ku soo qaadeen Saldhiga Awdheegle

ciidamada somalia

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo Ciidamada dowladda iyo dagaalyahano Shabaab ah ku dhex maray deegaano ka mid ah gobolka Sh/Hoose.

Sida wararku sheegayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo si aad ah u hubeysan, ayaa maanta weerar ku qaaday Saldhig Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee halkaasi ku sugan ayaa sheegay iney iska caabiyeen xoogaga Shabaab, halkaasna ay khasaare ku gaarsiiyeen, waxaana goobta ka dhacay dagaal socday mudo ku dhow Saacad, iyadoo dadka deegaanka ay soo wajahday baqdin.

Shabaabka waxa ay dhankooda sheegteen mas’uuliyada weerarkan gaadmada ahaa, iyagoo ku faanay iney khasaare lixaad leh gaarsiiyeen Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa Saldhigga ay weerarka ku qaadeen.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa 7-dii bishii August sanadkan 2019 la wareegay gacan ku heynta Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose oo ay maamulayeen ku dhowaad 10 sano, iyagoo dhowr jeer isku dayay iney dib ula wareegaan wallow ay ku adkaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here