Ciidamada dowladda oo joojiyay Munaasabad ay qabsan lahaayeen Ahlusuna

Dhuusamareeb2

Ciidamada Booliska ee dowladda Federaalka ayaa maanta joojiyay Munaasabsad ay Dhuusamareen ku qabsan lahaayeen Ahlusuna.

Munaasabadan oo aheyd mid qado ah oo lagu soo dhoweynayay Xildhibaannada Ahlusuna ay soo xulatay, ayaa la sheegay inay joojiyeen Ciidamada Booliska.

Xubnaha Ahlusuna ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid caburin ah, ayna mas’uul ka tahay dowladda Federaalka.

Laamaha amniga magaalada Dhuusamareeb ayaa dhowaan soo saaray amar ahaa in aan magaalada lagu qaban karin shirarka siyaasadeed ee aanay ogeyn dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here