Ciidamada dowladda oo soo bandhigay sarkaal sanado badan ka tirsanaa Shabaab

Maxamed Shabaab kafakaday

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa galabta soo bandhigay sarkaal ay sheegeen in uu ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ninka ay soo bandhigeen ciidamadu ayaa waxa ay sheegeen in aysan ku soo qaban howlgal, balse uu isku soo dhiibay.

Sarkaalkan ka soo goostay Al-Shabaab ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed Maadeey, kaas oo sida laga soo xigtay Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2012-kii.

Maxamed Axmed Maadeey oo warbaahinta kula hadlay Baraawe ayaa sheegay in markii uu isi soo dhiibayey uu la soo xiriiray Abtigiis oo ciidanka dowladda ka tirsan, sidaasna ay ugu suurta gashay inuu yimaado Baraawe.

Xubnaha weli ka barbar dagaalama Al-Shabaab ayuu Maxamed ugu baaqay inay iskaga soo baxaan, isagoo nolol adag ku tilmaamay ka mid ahaanshaha Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka booliska ee degmada Baraawe Ibraahim Aadan Cali oo isna goobta lagu soo bandhigay sarkaalkaan warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay ninkan sababta uu uga soo baxay Shabaab ay tahay cadaadis uu kala kulmay, kadib markii ay ka shakiyeen.

Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin sarkaalkan sanadaha badan ka soo barbar dagaalamayey ee isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here