Ciidamada Hindiya iyo Shiinaha oo feer iskula tagey

india china border

Sida ay ku warantahay warbaahinta dalka Hindiya,tobanaan ka tirsan ciidamada Hindiya iyo kuwa Shiinaha ayaa is waydaarsaday feer isku dhac ku dhex maray xuduudda ay wadaagaan labada dal.

Todobo ka tirsan Ciidamada Shiinaha iyo afar ka tirsan kuwa Hindiya ayaa dhaawacyo soo gaareen sidaas waxaa warbaahinta u sheegay sargaal sare oo xuduudda gobalka Sikkim ku sugan.

Taliyaasha hoggaamiya ciidamadaan ayaa arrintaan oo Sabtidii dhacday soo kala dhexgalay iyadoo markii dambana ay xal ka gaareen.

Labada dal waxaa ka dhaxeeya tartan dhanka dhul xuduudeed gaaraya 3,400 Kiilomitir kaas oo mararka qaar sababa isku dhac iyo muran.

Tifaf-tiraha BBC-da ee koofurta Asia Anbarasan Ethirajan, ayaa soo sheegaya in mararka qaar ay isu adeegsadaan labada ciidan ee dalalka Hindiya iyo Shiinaha tuuryo loo isticmaalo dhagaxaan iyo waxyaabo kale.

Xurguf la mid ah tan hadda dhacaday ayaa horey uga dhacday meel u dhow gobalka Sikkim,gaarahaana meel 5,000 oo mitir ka sareysa badda .

Shiinaha iyo Hindiya ayaa sanadkii 1962-kii waxaa dhex maray dagaal salka ku hayay xuduuda ay wadaagaan .

Sanadkii 2017-kii, labada dal ayaa sidoo kale waxaa ay ku dagaalameen gobolka ka dib markii Shiinuhu isku dayay in uu ballaariyo wadada xadka marta iyada loo marayo buurta lagu muransan yahay.

Inta badan waxaa xuduudka labada dal laga maqlaa rasaas ay is waydaarsadaan ciidamada is guulguulaya ee gaaf wareegaya aaga ay wadaagaan si qolo walba ay u xajisato xuduudkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here