CIIDAMADA ISRAEL OO DUQEYMO KA GEYSTAY MAGAALADA DIMISHIQ EE DALKA SUURIYA

duqayn israil saldhigiran suuriya

Maamulka Israel ayaa sheegay in ay duqeymo la beegsadeen bartilmaameedyo ku yaalla nawaaxiga caasimadda waddanka Suuriya ee Dimishiq si ay uga hortagaan weerar ka dhan ah Israel oo Iiraan iyo xulfadeedu halkaasi ku diyaarinayeen.

Israel waxay sheegtay in gebi ahaanba ay burburisay xarumo militari oo ku dhow Dimishiq halkaasi oo ilaalada kacaanka Iiran iyo xulafadoodu ay ka soo kicin lahaayeen diyaarado aan duulliye lahayn oo la doonayey in lagu weeraro israel.

Dhinaca kale wakaaladda wararka dowladda Suuriya ayaa xaqiijisay weerarka balse waxay sheegtay in hawada lagu burburiyay gantaalihii ay soo gantay Israel islamarkaana aysan soo gaarin bartilmaameedyadii lala doonayey.

Ha’yeeshee wakaaladda wararka Suuriya kama aysan hadlin sheegashada Israel ee ah in goobta la weeraray ay Iiraan iyo xulafadeedu ku diyaarinayeen weerar ka dhan ah Israel oo loo adeegsan lahaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here