Ciidamada Itoobiya ee ka mid ah hawlgalka AMISOM oo Degmada Doolow gaaray

ethiopian army Amisom

Degmada Doolow ee Gobolka Gedo oo saacadihii ina dhaafay ay ku qul-qulayeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo kasoo gudbay Magaalada Jigjiga waxa ay gudaha galeen degmadaas, waxaana ay sameysteen saldhigyo cusub.

Ciidamada ayaa shalay la wareegay Garoonka diyaaradaha ee Degmada Doolow oo ay gacan ku hayeen Ciidamo katirsan DFS oo horay looga qaaday Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya.

Askarta Itoobiyaanka ah ayaa wata gaadiid dagaal, Booyado iyo hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana sawirro laga qaaday ka muuqda gaadiidka Magaca AMISOM oo ku buufsan Gawaarida.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa xalay saldhigyo cusub ka sameystay duleedka Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halka gudaha Magaalada ay ku sugan yihiin Askarta Dowladda Soomaaliya.

Ma jiro war kasoo baxay Maamulka Gobolka Gedo, Mas’uuliyiinta Degmada Doolow iyo saraakiisha Ciidamada oo ay ku faah-faahinayaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee isku fidinaya Degmadaas.

Itoobiya waxaa Soomaaliya ka joogo Ciidamo badan oo qaarkood ku howlgalka Magaca AMISOM, halka kuwa kale aysan wadan Koofida Cagaaran ee Ciidamada Midowga Afrika ee dalka ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here