Ciidamada Itoobiya oo hareereeyey caasimada gobolka Tigray ee Mekelle

ethiopian army armor

Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada federaalka ee dalkaasi ay ku sii dhowaanayaan caasimada gobolka Tigray ee Mekelle, halkaas oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaq xoog leh.

Ciidamada milatariga Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inay hareereeyeen caasimada Tigray ee Mekelle, halkaas oo ah xudunta dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya.

Sidoo kale waxaa maanta ku eeg saddexdii cisho ee loo qabtay inay isku soo dhiibaan ciidamada deegaanka ee TPLF ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya.

Dagaalka ayaa ka sii daraya, iyada oo madaxda sare ee TPLF ay dhankooda ku gacan seyreen waqtiga loo qabtay, si ay isugu soo dhibaan dowladda.

Xaaladd ayaa haatan ah ah mid aad u adag, waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay inay si weyn uu uga walaacsan tahay xaaladda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

Xukuumadda Addis Ababa ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed ayaa dhankeeda ka dhaga fureysatay baaqyada caalamiga ah ee ku aadan in wada-hadal lagu dhameeyo xiisada.

Itoobiya ayaa xiisad dagaal iyo colaad sokeeye gashay, kadib markii todobaadyo ka hor ciidamada federaalka ay duulaan ku qaadeen gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here