Ciidamada Jubaland oo shaaciyay in ay dileen 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab + Sawirro

AG1 CDJL Khiyaar Cabdi Maxamed

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo saacadihii la soo dhaafay ciidamada daraawiishta maamulka Jubbaland ay ka sameeyeen duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyey agagaarka deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 55 KM dhinaca bari ka xiga magaalada Kismaayo.

Khiyaar Cabdi Maxamed oo ah abaanduulaha guutada koowaad ee ciidanka daraawiishta Jubbaland oo la hadlay ka warbixiyey howlgalladaasi iyo sida ay wax u dhaceen.

Abaanduulaha ayaa sheegay in iska hor imaad dhexmaray iyaga Al-Shabaab lagu dilay ku dhowaad 20 ka tirsanaa dagaalyahannada kooxdaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalladaasi xubnaha lagu dilay ay ku jiraan madaxii Shabaab u qaabilsanaa deegaanada galbeedka Kismaayo iyo madaxii miinooyinka oo uu magacyadooda ku soo koobay Tasmiir iyo Cadaani.

Waxa kale uu xusay Abaanduuluhu inay la wareegeen gacan ku heynta tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Ururka Al-Shabaab oo ku aadan iska hor imaadkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here