Ciidamada NISA oo xiray Guddoomiyihii rugta Ganacsiga G/Banaadir oo looga shakiyay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab

NISA

Ciidamada NISA ayaa galabta xiray Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo kuxigeenkisa, kaddib markii ay dhowaan soo baxday warar sheegaya in magacaabiddiisa ay kaalin ku laheyd Al-Shabaab.

Ilo wareedyo ku dhow dhow NISA ayaa sheegaya in in Axmed C/llaahi Xasan oo ahaa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo kuxigeenkiisa Axmed Jimcaale la xiray, kuwaasoo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Warbixin dhowaan ay baahisay Idaacada VOA laanteeda afka Soomaaliga ayaa looga hadlay warbixin macluumaad kala duwan wadatay oo sheegayay in Al-Shabaab ay kaalin ku laheyd magacaabidda Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir.

Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa lagu wareystay Ganacsato kala duwan oo magacooda la qariyay oo sheegay in Al-Shabaab ay soo magacaabatay Guddoomiyaha oo dhankeeda ka yimid, inkastoo ninka la sheegay inuu ahaa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka uu beeniyay.

Arrintan ayaa aheyd mid layaab laheyd in markii u horeysay Al-Shabaab, kaalin ama xubno rasmi ku yeeshaan Rugta Ganacsiga, iyadoo horay u jirtay in Al-Shabaab canshuuro ka qaadayeen Ganacsatada Muqdisho iyo alaabaha ka soo dega Dekeda Muqdisho.

Hey’adda NISA ayaa muddooyinkii u dambeeyay qaaday tallaabooyin wax ku ool ah amniga Caasimadda, waxaana jiray howlgalo lagu soo qabtay dad lagu tuhmayo Al-Shabaab iyo kuwo falal amni lid kubah faraha kula jiray, tan iyo is bedelkii hey’adda ku dhacay iyo Hoggaanka cusub ee NISA ayaa waxaa soo kordhayay in dib u soo laabtay maqaamkii hey’adda iyo awooddii ay hey’adda u laheyd  dhanka amni sugida iyo xuuraanka, waxaana la howlgeliyay ciidamo qarsoon oo dhar cad ah, iyadoo meesha laga saaray ciidankii hubeysnaa ee muuqday, waxaana tallaabadaas ay horseed u noqotay mira dhalka howlgalo lagu sugay Amniga magaalada, waxaana inta badan yaraaday falalka khaarijinta ragga bastooladleyda ku ugaarsan jireen dadka kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here