Ciidamada Somalia oo howlgal Miino saaris ah ka bilaabay dariiqa u dhexeeya Janaale iyo Marka

taliyaha lugta dirir9

 Ciidamada dowladda ayaa billaabay howl-galo ka dhan ah qorshayaasha Al-Shabaab ee ay miinooyinka ugu aaseen wadada xiriirisa deegaanada Janaale iyo Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Howl-galkan oo lagu bur-burinayey Miinooyinka ay kooxda Al-Shabaab ku aastay wadooyinkaasi, ayaa waxa hogaaminayey Taliyaha ciidanka dhulka, Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Taliye Dirir ayaa sheegay in Miinooyin badan ay ciidamadu ku guuleysteen inay ka soo saaraan waddooyinka ay ku aastay Al-Shabaab, midaasi oo khasaare nafeed ka dhalan karayey.

Miinooyinka ay Ciidamadu ka soo saareen wadooyinkaasi ayey qarxiyeen, iyada oo aysan waxba ku noqon Ciidamadii ku howlanaa fulinta howl-galkaasi.

Taliye Dirir ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in mudadii ay ku guda jireen howl-galkaasi ay socod lug ah ku wada mareen deegaanka Buufow Bacaad oo u dhexeeya Marka iyo Janaale, midaasi oo qeyb ka ah dadaalada lagu xaqiijinayo amniga gobolka Shabeelaha Hoose.

Howl-galkan ay fuliyeen Ciidamadu ee uu hogaaminayey Taliye Dirir, ayaa noqonaya mid looga baaqsaday ama fashiliyey qorshayaasha ay kooxda Al-Shabaab u maleegto Mas’uuliyiinta iyo bulshada isticmaasha waddooyinkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here