Ciidamada Somalia oo la wareegay mid ka mid ah deegaanadii ugu muhiimsanaa Al-Shabaab

ciidamada danab2

Cidiamada dawladdda Soomaaliya ayaa maanta qabsaday degaanka Tooratoorow oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, oo ah mid ka mid ah deegaanadii ugu muhiimsan Al-Shabaab

Ciidamadan degaanka qabsaday ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin guutada Danab oo ay tababareen ciidamada Maraykanka.

Tooratoorow waxaa ku yaalla maxkamado Al-Shabaabku leeyihiin, waxaana sidoo kale deegaankan uu Al-Shabaab u yahay mid aad ugu muhiimsan.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar dhabbagal ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo marayey jidka Afgooye iyo Wanlaweyn, halkaasi oo uu ka dhacay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Sanadkii tagay ciidamada dowladda ayaa qabsaday deeganao dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Dhinaca kale, faah-faahino dheerad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ciidamada Jubbaland iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka magaalada Kisamayo.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamada Jubaland oo howlgal ka wada deegaannada Canjeel iyo Kaba Kibir ee Galbeedka Kismaayo ay weerar kala kulmeen Al-Shabaab.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu khasaaro kala duwan kasoo gaarey labada dhinac ee wada dagaalamay, hase yeeshee aan si rasmi ah loo ogeyn heerka.

Al-Shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen inay dagaalkaas ku dileen lix Askari oo ka tirsan ciidamada Jubaland, balse ma jiro cid si madax banaan u xaqiijin karta.

Saraakiisha Ciidamada Jubaland ee ka howlgalla Gobolka Jubbada Hoose weli wax faah faahin ah kaba bixin dagaalkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here