Ciidamada Somaliya iyo Faransiiska oo howlgal ku dilay saraakiil iyo xubno Shabaab ka tirsan

AlShabaab drone

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gal ay si wadajir u fuliyeen ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa Faransiiska ee jooga ee Soomaaliya, kuwaas oo xalay iyaga oo wata saddex diyaaradood ku daatay duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.

Howl-galka oo ahaa ballaaran ayaa waxaa xigay dagaal culus oo labada dhinac ku dhex-maray degmada Jilib, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda oo qeyb ka ahaa howl-galkaasi ayaa sheegay in u jeedkooda uu ahaa inay gacanta ku soo dhigaan hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo xilliga uu weerarka dhacayey ku sugnaa halkaasi, balse waxa ay sheegeen inay dagaal kala kulmeen dagaalyahanno ilaalo ahaa.

Sidoo kale saraakiisha ka hadlay howl-galkaasi ayaa xusay in dagaalka ay ku dileen labo sarkaal iyo 16 dagaalyahaan oo ilaaladooda ka mid ahaa, sida ay hadalka u dhigeen.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa intaasi ku daray in dhaawacyo kale ay gaarsiiyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxaya dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi la soo wariyey in khasaare badan lagu gaarsiiyey.

Xaaladda degmada Jilib ayaa hadda ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here