Ciidamada Somaliya oo shaaciyey in Madaxii Al-Shabaab ee Jannaale iyo Awdheegle la dilay

taliyaha lugta

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ay Ciidamada Xoogga ka fuliyeen deegaanka Janaale lagu dilay sarkaal xil sare ka hayey Kooxda Al-Shabaab.

Sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, howgalka ay qaadeen Ciidamada Dowladda ayaa waxaa lagu dilay u qaabilsanihii ay Al-Shabaab ee deegaanada Janaale iyo Awdheegle.

Taliya ayaa sheegay in howlgalkaas sidoo kale waxaa lagu dilay laba sarkaal oo kale, kuwaas oo uusan sheegin magacyadooda balse uu tilmaamay inuu dib kasoo gudbin doono.

Howlgalkaas ayaa wuxuu Xalay ka dhacay deegaanada Degmada Jannaale  hoos tago kadib markii la helay xogo sirdoon oo ku saabsan inay halkaas ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan la wareegay gacan ku heynta Magaalada Jannaale oo ay muddo badan ka talinayeen Kooxda Al-Shabaab halkaas oo la rumeysan yahay inay ka heli jireen dhaqaale aad u badan.

War kasoo baxay taliska ciidanka xoogga dalka ayaa horey loogu lagu sheegay in howlgallo ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen gudaha iyo daafaha deegaanka Janaale ay kusoo qabteen Maxamuud Yuusuf Maansuur, oo Al-Shabaab u qaabilsanaa uruurinta canshuuraha, gaar ahaan Zekawaatka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here