Ciidamada Soomaaliya iyo Mareykanka oo dilay sarkaal sare oo Al-Shabaab ka tirsanaa

AlShabaab drone

 Sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda ciidamada Mareykanka iyo kuwa xoogga dalka ee Danab ayaa maanta duqeyn ka fuliyey  gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya.

Bartilmaameedka duqeyntaas ayaa la sheegay inay aheyd sarkaal sare oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaas oo marayey xilliga la duqeeyey duleedka degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta oo dhacday galinkii danbe ee maanta ayaa la sheegay in lagu dilay sarkaalkaas Shabaab-ka ah, wallow warka ka soo baxay dowladda aan lagu shaacin magaca sarkaalkaas ay diyaaraduhu bartilmaameedsadeen.

Ciidamada dowladda Maraykanka ee Africom iyo kuwa ay tababareen ee Danab ayaa inta badan Al-Shabaab ku qaada weerarro u badan duqayn diyaaradeed.

Africom ayaa kor dhisay sanadkan duqeymaha ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish oo ka howlgala qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka, waxayna sanadkan gudihiisa diyaaradaha Mareykanku Soomaaliya ka fuliyeen 59 duqeyn oo ka dhan ah Ururada ka soo horjeeda dowladda ee ka dagaalama dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here