Ciidamada Soomaaliya oo cagta mariyeen Ciidamadii Jubbaland ee Xuduudka Kenya ku sugnaa

war deg deg

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray Magaaladda Beled-Xaawo ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Soomaaliya ay khasaare balaaran gaarsiiyeen ciidamo huwan ah oo ka soo weeraray Xuduuda Kenya, kuwaas oo ku dagaalamayey Magaca Jubbaland.

Ciidamada Soomaaliya ayaa waxay gaareen goobihii lagaga soo duulay, waxaana wararka hordhaca ahi sheegayaan in tobanaan ka tirsan Ciidamada Jubbaland laga dhigay wax dhintay wax dhaawacmay, iyadoo qaar kalena nolosha lagu qabtay.

Dhanka kale waxaa la xaqiijinaya in khasaare uu gaaray dad shacab ah oo ku kala nool Mandheera iyo Beled-Xaawo.

Gaadiid dagaal ayaa la sheegayaa in Ciidamada Soomaaliya qabsadeen, qaarna gubeen.

Waxaa Magaalada Doolow iyo Degaamada ku xeeran ka soo gurmaday Ciidamada Soomaaliya iyo Ciidama beeleedyo taageersan Ciidamada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here