Ciidamada Soomaaliya oo guulo ka sheegtay hawlgallo ay ka wadaan Gobolka J/ Hoose.

ciidamada danab1

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ballaaran oo weli ciidamada Kumaandooska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta 5-aad ee guutada 16-aad ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka J/ Hoose.

Howlgallada ayaa xoogoodu ciidamadA waxa ay ka fuliyeen agagaarka degmada Kamsuuma, halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadu dagaallo ay kala kulmeen dhanka Al-Shabaab, islamarkaana uu jiro khasaare kala duwan.

Taliyaha ururka 5-aad ee guutada 16-aad ciidanka Kumaandooska Soomaaliya, Xasan Aadan Maxamed (Ciraaqi) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi iyo u jeedkooda, isagoo tilmaamay inay khasaare gaarsiiyeen Shabaab.

Ciraaqi ayaa sheegay inay toogasho ku dileen ugu yaraan illaa 12 ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, islamarkaana ay dhawaceen tiro kale, kadib dagaal ay la galeen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadu ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanada Malaayleey, Janaale Gaay, Reerneeroow, Bandar Jadiid iyo deegaanka Bengaani, oo qiyaastii 37 km u jira degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in jeedka dhaq dhaqaaqyadaan uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari deegaanada gobolkaasi, islamarkaana ay sii wadi doonaan

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas iyo dagaallada ay la galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa deegaano iyo degmooyin ka kala tirsan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here