Ciidamada Soomaaliya oo la wareegay tuulooyin hoos taga degmada Jowhar

gen odawaa amisom1

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta la wareegay tuulooyin hoos taga dagmada Jowhar ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgal oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage ayaa goordhow ciidanku kula wareegay deegaanka Warciise oo ka tirsan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe oo muddo dheer saldhig u ahaa argagixisada Al-shabaab.

Ciidanka ayaa sidoo kale dhowr jiho ka weeraray deegaanada Qoordheere iyo tuulooyin kale oo hoos taga Biyo Cadde ee gobolkaas waxaana jab xooggan la gaarsiiyay argagixisada oo iskaga cararay deegaanadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here