Ciidamada Soomaaliya oo shalay galab laga dejiyey qaybo ka mid ah Gobolka Gedo

diyaarad hub ciidan dhuusamareeb

Guddoomiyaha Degmada Baardheere ee maamulka Jubbaland Ismaaciil Cabdi Qorrax, ayaa sheegay in ciidan aan la qoonin maanta laga soo dejiyay degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidankaan ay gaarayaan ku dhawaad 50 askari, oo aad u qalabeysan islamarkaana afka soo duubtay.

“Ku dhawaad 50 Askari oo afka soo duubtay ayaa ka soo dagay Baardheere, waxaana la sheegay in Muqdisho laga soo diray, waana arrin qal qal looga abuurayo degmada” ayuu yiri Ismaaciil Cabdi Qorrax.

Ismaaciil ayaa sheegay in ciidankan oo u qalabeysan oo tababar gaar ah qaba ay maanta diyaarad ka dejisay degmada Baardheere ee gobalka Gedo. Lama oga sababta keentay in magaaladaas ay gaaraan.

Xaalad cabsi ah ayaa hadda ka taagan degmada Baardheere waxayna wararku ay sheegayaan in ciidankaan ay doonayaan in ay soo qabtaan guddoomiyaha degmada iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobalka Gedo, Sheekh Maxmaed Xuseen Isaaq Alqaadi.

Cabdullaahi Nuur Xasan oo ah guddoomiyihii degmada Baardheere ee xilka uu ka qaaday maamulka Jubbaland ayaa 23-ka bishii December sheegay in dowladda ay amartay in lasoo xiro Alqaadi.

Gobolka Gedo ayaa waxaa gacanta ku haya dowladda federaalka Soomaaliya kadib markii ay ku wareegeen Guddoomiyaasha degmooyinka kala ah Baardheere, Baled-Xaawo, Luuq iyo Dolow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here