Ciidamada Soomaaliya oo sheegtay dilka sarkaal Al-Shabaab ka tirsanaa

shabaab sarkaal

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa howl-gallada gobolka Bakool.

Qoraal kasoo baxay ciidamada xoogga ayaa lagu yiri “Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka fuliyay degaanka Ceel-cali degmada Xudur ee gobolka Bakool howlgal ay ku dileen horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab kaasi oo lagu magacaabo (Aflaaw).”

Qoraalka ayaa intaas ku dara “Horjoogahaas ayaa ahaa horjoogihii howl-gallada argagixisada u qaabilsanaa gobolka Bakool.”

Taliyaha Guutada 9-aad ee Qaybta 60iaad Xoogga Dalka Gaashaanle Mukhtaar Maxamed Cabdulaahi (Geeseey) ayaa sheegay in howlgalka uu yimid kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay afduubteen mooto nooca xamuulka ah iyo wadihii waday, taasi oo dad shacab ah ku shaqeeysan jireen.

Geeseey ayaa tilmaamay mootadii ay dhaceen wadihii iyo saddex qof oo kale oo ay afduub ahaan u haysteen iyo qoriga Horjoogaha oo noociisu yahay AK47 iyo rasaas badan in ay kasoo furteen, kuwaasi oo haatan gacanta ugu jira ciidanka xoogga dalka, sida lagu sheegay qoraalka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhowaanahay kordhiyey beegsiga saraakiisha saree e Al-Shabaab.

Dhowaan, Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa shaaciyey in nolosha lagu qabtay madaxii Sirdoonka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellda Hoose Xasan Suley (Xasan Ganey, kadib howlgal ka dhacay duleedka deegaanka Jannaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here